✓ White = Cadaan
✓ Paper = Xaashi/Warqad
Waa “Xaashida Cad”
Qeexid: Waa Maxay “White Paper”?
“White Paper” ama “Xaashida Cad” waa xaashi ama warqad sharaxaysa waxa uu mashruucu yahay, dhibaatada uu xalka u raadinayo, iyo sida uu u shaqeynayo, iwm.
Waa xaashi maalgashadayaasha iyo dadyawga daneeya mashruuca ka caawinaysa inay si qoto dheer leh u fahmaan mashruuca.
Waa xaashi keensanaysa in la qiimeeyo mashruuca, laguna go’aan qaato, iyadoo ka jawaabaysa su’aalahan, muxuu u taagan yahay, ujeedooyinkiisa waa maxay, halkee buu hiigsanayaa, waa maxay baahida ama dhibaatada uu xallinayo…
Sababta xaashida “CAD” ama “WHITE” loo yidhina ma ahan, in ay xaashidu caddahay, ee waa in uu mashruucu gabi ahaantii xaashidaas ku cad yahay.
Xaashida cad, ayaa iyadu mararka qaar noqon karta “PDF“, ama noqon karta “QORMO/ARTICLE” lagu soo daabaco website-ka mashruuca, amaba waxaa suuragal ah inuusan mashruucu wax xaashi cad ah yeelan.
Xaashida cad waa dukumeenti dheer, oo si qoto dheer leh u kala dhig-dhigaya qeexitaannada, farsamooyinka iyo faahfaahinta mashruuca, sida borotokoolka, qaab-dhismeedka, iyo ilaha dhaqaale, iwm.
Waana dukumeenti ay baahiyaan qolada mashruuca leh, halkaas oo ay ku qeexayaan mashruuca dhammaantii, waxaana sida caadada ah qora hormariyayaasha mashruuca, ama xubnaha aasaasiga ah, waana hage loogu tala galay in ay maalgashadayaasha ku go’aan qaataan.
Si kooban, White Paper waa xaashi si qoto dheer leh loogu kala dhi-dhigayo dhinacyada kala duwan ee uu mashruucu leeyahay, bilaw ilaa dhammaad (ama ku dhawaad).