✓ Staking = Dhigasho/Xannibaad
Waa “In Wax La Dhigato, Si Loo Helo Wax Kale, Ama Looga Qeyb Qaato”
Qeexid: Waa Maxay “Staking”?
Erayga “Staking” wuxuu ka yimid “Stake” kaasoo leh micnayaal kala duwan, ka hor inta aan loo adeegsan Cryptocurrency-ga, macnaha ugu soo dhaw ee loo adeegsan jiray waa “KHAMAARKA“, ama “SHARADKA” halkaas oo la dhigan jiray lacag, si loogu shardamo.
Tusaale ahaan, tartanka fardaha marka uu dhacayo waxaa la dhigan jiray sharad ama khamaar, kaas oo uu qofku dhiganayo ama Staking garaynayo lacagtiisa, oo uu saaranaya faras ka mid ah fardaha tartamya, isagoo rajaynaya in uu noqon doono guulaystaha tartanka.
Hadii uu qofku ku guulaysto sharadka, wuxuu dib u helayay lacagtii uu dhigtay ama uu Stake-gareeyay, iyo faa’idadii sharadka saarnayd, halkaa bayna ka timid Staking-ku, waana in lacag la dhigto si loo helo lacag kale.
Hasa yeeshee, Crypto ama lacagaha dadan markii la joogo, xaajadu sidan way ka yar duwan tahay.
Markii Crypto la joogo Staking-ku waa hab aad lacagtaada ama shilimaadkaada isticmaalka uga joojinayso, adigoo meel ku xannibaya, si aad shaqooyin gaar ah u qabato, si aad ugu danbayntii u hesho abaalmarin u dhiganta shaqada aad qabatay, shaqadaasoo marka horeba la heer ah ama ku jaan-go’an (Level) qaddarka ama inta aad xannibtay.
Way isku kakan tahay saw ma ahan?, dhib ma leh, waynu kala dhig-dhigi, oo waynu kala rif-rif.
Waxay u badan tahay inaad is-weydiinayso su’aalo sidan oo kale ah:
- Waa maxay sababta lacagta loo xannibayo? – Si qeyb looga noqdo shaqada ka socota shabakada
- Waana maxay sababta si shaqo loo qabto darteed lacagta loo xannibayo, ama loo Stake-garaynayo? – Si qofka shaqada qabanaya loogu kalsoonaado shaqadiisa
- Sidoo kale waa maxay shaqada la qabanayo, ee ku jaan-go’an lacagta aan xannibay inta ay la ekeed? – Shaqooyin iskugu jira hubin, xaqiijin, ansixin, go’aan-dajin, iwm
Aynu faahfaahino…
Sida aynu ognahay Blockchain waa hannaan daah-furan oo fidsan, kaasoo lagu diiwaan galiyo lacag-dirisyada iyo wax is-dhaafsiyada Cryptocurrency-ga ka dhex dhacaya oo idil, lagab bilaabo xaqiijinta lacag-dirista, ansixinta Block-yada cusub, ilaa ka qeyb qaaadashada go’aamada shabakadda
Waxaana waxaas oo idil qabta qolo la yidhaahdo “Validators” oo ah ansaxiyayaal ama xaqiijiyayaal ka tirsan shabakadda, kuwaasoo xaqiijiya oo ansixiya wax is-dhaafsiyada dhacaya.
Hasa yeeshee, markii la joogo nooc ama jaad ka mid ah Cryptocurrency-ga ama lacaga dadan, tusaale ahaan kuwa Proof of Stake-ga ah, awoodda ama jagada ay Validators-yadu ku fadhiyaan way kala duwan yihiin, wayna kala sarreeyaan, waxayna ku xidhan yihiin hadba qaddarka la Stake gareeyay ama la xannibay inta ay le’eg tahay, si la iskugu dheeli-tiro Validator-ka iyo shaqada uu qabanayo.
Shaqooyinka uu qabanayo Validator-ku Coin-ba Coin-ka kale way ku kala duwan yihiin, gaar ahaan kuwa Proof-of-Stake-ga ah, maxaa yeelay habkan ah Proof of Stake ayaa nooc yo kala duwan u sii kala baxa, sida:
- Delegated Proof of Stake (DPoS)
- Liquid Proof of Stake (LPoS)
- Leased Proof of Stake (LPoS)
- Nominated Proof of Stake (NPoS)
- …
Hasa yeeshee shaqooyinka ku dhawaad ay ka wada siman yihiin waxaa ka mid ah:
- Xaqiijinta lacag-dirisyda ama Transactions-yada
- Ansixinta Block-yada cusub
- Ka qeyb-qaadashada go’aan-dajinta shabakada
Shaqooyinkan ayaa ah shaqooyinka aasaasiga ah ee uu Validator kasta ku dhawaad qabanayo, hasa ahaatee habka loo qabanayo, goorta la qabanayo, sida loo qabanayo, iyo waxa la qabanayo lafteeda, iyo qodobo kaleba, waxay ku xidhan tahay hanaanka uu Coin-ku adeegsanayo.
Aynu tusaale ahaan u soo qaadano Ethereum, maadaama ay tahay lacag wakhti xaadirkan ku shaqaysa hanaankan ah Proof of Stake.
Hadii aad xannibto ama Stake garayso qaddar dhan 10 ETH, ma awoodi doontid inaad ansixiso lacag-diris ama Transaction dhan 11 ETH, sababtoo ah lacagta aad isku dayayso inaad xaqiijso way ka weyn tahay lacagta aad xannibtay ama aad Stake garaysay, waana in shaqada aad qabanayso ay ku jaan-go’anaataa heerkaaga ama jagadaada.
Si la mid ah, DAO oo laga soo gaabiyay “Decentralized Autonomous Organization” oo ah urur madax-banaan, isla mar ahaantaana aan saldhig ama maamul dhexe lahayn.
Waana urur aan lahayn maamule, hogaamiye, iyo agaasime toonna. Taa bedelkeeda waa urur ay awoodiisa maamul u qaybsan tahay dhammaan xubnaha ka tirsan ururka.
Hadii la rabo in xeer cusub la soo saaro, ama la rabo in wax laga go’aan gaaro, dhammaan xubnaha ururka ka tirsan ayaa ka qayb qaadanaya go’aankaas, iyagoo codeenaya.
Hasa yeeshee, sida kaliya ee loo kala sarraysiisnaan dooono, ama loo kala heli doono awoodda codbixinta ayaa ah, hadba tirada la kala haysto.
Qofba qofkuu ka tiro badan yahay, ayuu ka cod weyn yahay, ama uu ka awood codbixin weyn yahay (Vote Power).
TS, qofka haysta 500 oo xabbo, wuu ka cod wayn yahay qofka haysta 100 xabbo, sidaa si la mid ah qofka haysta 10%, wuu ka cod weyn yahay qofka haysta 3%.
Maxaa yeelay, qofka tirada badan haysta, ama xaddiga badan haysta, wuu ka saamayn badan yahay qofka tirada yar haysta, hadii uu khasaare ka dhasho go’aanka la qaadanayo.
Sidaa darteed, maadaama uu yahay qofka ugu saamaynta badan, hadii uu khasaare yimaado, wuxuu u dhaqmi doonaa si taxadar leh, oo mas’uuliyad leh, go’aamadiisuna waxay u badnaan doonaan go’aamo saxan, oo quman.
Sidaas oo kale, Validator-ka ama ansixiyaha looma ogola wax ka weyn taagtiisa, si si cadaalad ah loogu wada joogo shabakadda, maxaa yeelay waxaa suuragal ah in Validator-kaas ama ansaxiyahaas uu wax is-dabamariyo, hadii waxa uu xaqiijinayo ay ka badan tahay waxa uu xannibay ama uu Stake gareeyay.
Hadii Validator-ku uu awood u yeelan lahaa in uu xaqiijiyo lacag-diris ama Transaction dhan 50 ETH, isagoo xannibay ama Stake gareeyay 10 ETH, waxaa suuragal ah in uu wax is-daba mariyo, oo uu been-abuuro.
Waana sidii qof fursad uu lacag ku xadi karo soo martay oo kale, halka is-waydaarku noqon lahaa sidii qof waxa loo dhiibtay ay ka badan tahay waxa uu dhigtay ama rahan ahaan looga hayyo.
Way adag tahay in uu Validator-ku siyaabo khaldan u fikiro, waayo waxa laga hayo iyo waxa uu ku khamaartamayo isma la eka, isagoo gabi ahaanba ama qeyb ahaan waayi kara lacagtiisa, hadii uu tallaabo khaldan ku dhaqaaqo, tallaabadaasoo loo yaqaan “Slashing“.
Inta uu Ansaxiyuhu xannibay (Staking) = Awoodiisa maamul
Hagaag, haatan garanay in shaqada uu Validator-ku qabanayo ay la fac tahay, ama la heer tahay inta ama qaddarka uu Stake gareeyay, si amniga shabakadda la iskugu dheellitiro, hasa ahaatee, sabab ayaa marka horeba loo xannibayaa lacagta oo loo Stake garaynayaa?.
Sababtoo ah hanaankan ayaaba ku salaysan Staking, si wax loo caddeeyo ama wax loo Proof gareeyo, waa in wax la Stake gareeyaa, waana halka ay ka timid “Proof of Stake“.
Si loo cadeeyo ama loo Proof gareeyo runimada lacag-dirista ama Transaction-ka waxaa khasab ah in wax la Stake gareeyo, maxaa yeelay sida aynu soo sheegnay Blockchain waa hanaan furan oo fidsan oo Decentralized ah, cidda kaliya ee aynu aamini karno ee aynu ku kalsoonaan karno ee inoo caddayn kara in lacag diristan ay saxan tahay iyo in kale waa Validator-ka ama ansixiyaha lacagtiisa xannibay ama Stake gareeyay.
Si aynu u aaaminno qolodan Validators-ka ah, oo aynu uga niyad-samaano in aysan wax is-dabamarin ah samayn doonin waa in aynu ka haynaa wax ka weyn waxa ay noo qabanayaan.
Sidaa darteed, lacagtan la Stake garaynayo waa rahan ay shabakadu haysato, si hadii Validator-ku uu tallaabo khaldan u qaado, abaalmarin ahaan looga dhigo in uu waayo lacagtiisa.
Taa bedelkeeda, hadii uu Validator daacad ah yahay, wuxuu helayaa abaalmarin, taasoo ka dhalanaysa shaqada uu qabto, tusaale, lacag-diris kasta waxaa la socota Fee ama khidmad, haddaba lacag-diris kasta ee uu xaqiijiyo ama uu ansixiyo wuxuu heleyaa Fee-geeda ama khidmadeeda oo idil, sidaas oo kale Block kasta oo cusub in go’an oo la socota ayuu helayaa, markaa waxaynu odhan karnaa Validator-ku waa nin shaqaysanaya, si shaqo uu u qabto darteedna waa in wax laga hayyo, si aynu ugu kalsoonaano.
Sidaa darteed, Staking-ku waa hab wax ku ool ah oo ka hortagaya is-daba marinta iyo been-abuurka, kaasoo sugaya amniga shabakadda, sidoo kalena ah hab faa’ido laga samayn karo, oo laga shaqaysan karo.
Si kooban Staking-ku waa hab aad lacagtaada isticmaalka uga joojinayso, si aad qeyb uga noqoto geedi-socodka shaqada shabakadda, iyadoo lagugu abaalmarinayo shaqadaada.