✓ The = Kii
✓ Genesis = Bilawgii/Ugu Horreeyay
✓ Block = Sanduuq/Khaanad
Waa “Block-gii ugu Horreeyay Ee La Curiyay Ee Bitcoin”
Qeexid: Waa Maxay “The Genesis Block”?
Erayga “Genesis” waa eray markiisa hore ka yimid giriiga, kaasoo u taagan “Bilaabid” ama “Curin“, halka “Block” uu u taagan yahay “Sanduuq” ama “Khaanad” xog sidda.
The Genesis Block: Waa weedh loo adeegsado in lagu tilmaamo Block-gii ugu horreeyay ee la curiyay ee Bitcoin.
Ereyga “The” oo soomaali ku noqonaysa “Kii” ayaa tilmaamaya in Block-gani uu yahay Block gaar ah, oo la-isla yaqaan oo caan ah, kaasoo ah Block-gii ugu horreeyay ee la curiyay ee Bitcoin.
Si kale hadii aynu u dhigno, waa xog-sidihii ugu horreeyay ee Bitcoin, maadaama “Block” uu yahay sanduuq, khaanad ama Box xog sidda, kaasoo sida xogta wax kala iibsiga, wakhtiga ay dhacday, iyo tix-raaca block-gii ka horreeyay (inkastoo aysan markan jirin block ka horreeya The Genesis Block).
Blockchain kasta waxay leedahay sal ay wax walba ka bilaabmaan, Block bar bilaw ah, hadaba Block-ga Bitcoin bar bilawga u ah waxaa loo yaqaanaa “The Genesis Block“, “Block-giiiiii Ugu Horreeyay“, giiii-dan ayaa tilmaamaysa in Block-gani uu yahay mid la isla yaqaan.
Block-gaas oo abaal-gudkiisu (Block Reward) ahaa 50 BTC, oo aan la isticmaali karin, ayaa xanbaarsanaa, ilaa haatanna xanbaarsan fariin ay dadka qaar ku tilmaamaan inay tahay fariin dadban oo hal-xidhaalaysan, oo sidatan u dhigan: “The Times 03/Jan/2009 Chancellor on brink of second bailout for banks“.
Noqonaysana: “Wargayska “The Times”, goortu waa 3-da bisha koowaad 2009-ka, wasiirka maaliyadda wuxuu ku dhaw yahay, oo uu qarka u saaran yahay inuu mar labaad samata-bixiyo bank-yada“.
3-dii bishii koowaad ee 2009-kii, jariiradda ama wargayska caanka ka ah ingiriiska ee lagu magacaabo “The Times”, ayaa soo saaray wargays uu cinwaankiisu yahay “Chancellor on brink of second bailout for banks”.
Isla maalintaas, Bitcoin Block-geedii ugu horreeyay, ee lagu magacaabo “The Genesis Block” ama “Block 0” ayaa la curiyay, Block-gaas oo uu xanbaarsanaa isla cinwaanka jariiradda The Times, hasa yeeshee laga horraysiiyay “The Times 03/Jan/2009…”.
In kastoo uu “Satoshi Nakamoto” (waa qofka ama qolada loo nisbeeyo Bitcoin aasaaskeedee) uu cinwaanka jariidada sidii ay ahayd u soo qaatay, hadana dadka qaar ayaa fariintan ku tilmaama inay wali tahay fariin maldahan, oo micno ka weyn micnahan xannbaarsan tahay.
Waxaa sidoo kale jira weedh kale oo si dhaw ula xidhiidha weedhan, kaasoo ah “Genesis Block“, waa weedhii hore oo laga reebay ereyga “The“, kaasoo isagu wax si gaar ah u tilmaamayay.
Genesis Block: Ayaa isagu ah weedh guud, oo aan wax gaar ah tilmaamayn, kaasoo loo adeegsado Blockchain kasta Block-gii bar bilawga u ahaa.