✓ Pump = Bararin/Naqasayin/Buufin
✓ And = Iyo
✓ Dump = Daadin/Siidayn/Fasaxid
Waa “In La Barariyo Suuqii, Kadibna La Soo Daadiyo”
Qeexid: Waa Maxay “Pump and Dump”?
“Pump and Dump“, oo loo soo gaabiyo “P&D“, iyo mararka qaar “PnD“, waa dhaqan dhaqaale oo khiyaamo ah, oo ay adeegsadaan dadka qaar, si ay u sameeyaan faa’idooyin degdeg ah.
Si kooban, Waa in la barariyo qiimaha hantida, kadibna la soo daadiyo.
SI kale hadii aan u dhigno, waa in la abuuro buun-buunin, xiiso iyo xayaysiin been abuur ah, si hantidii qiimo weyn loogu yeelo, lana barariyo, kadibna qiimahaas sare loogu iibiyo.
TS, qof ama qolo gaar ah, ayaa hanti gaar ah ka haysta, ama ka iibsanaya xaddi badan, kadib bay waxay bilaabayaan inay faafiyaan warar iyo xayaysiin been abuur ah, si ay u soo jiitaan maalgashadayaal cusub, si uu qiimihii kor ugu kaco, si kadib markii uu qiimuhu kaco, ay si degdeg ah u iibiyaan hantidii.
Si kooban, Pump and Dump-ku waa in la abuuro faai’do gacan ku samays ah, kadibna la soo daadiyo suuqii.
Hab-dhaqankan ayaa inta badan loo adeegsadaa suuqyada aan qiimahoodu xassilnoonayn, sida cryptocurrency, gaar ahaan Memecoins-ka.
Waxaa sidoo kale xusid mudan, in hab-dhaqankan uusan kaliya ahayn mid khiyaamo ah, ee uu sidoo kale yahay mid aan bannaanayn oo sharci darro ah, oo uu qofku ku mutaysan karo ciqaab aduunyo iyo mid aakhiraba.
Intaa waxaa dheer, in ay dhaawacayso, oo ay dilayso kalsoonidii lagu qabay hantidii, ama guud ahaan cryptocurrency-ga.