✓ Peer = Qof/Dhinac
✓ To = Ka
✓ Peer = Qof/Dhinac
Waa “Qof Ka Qof”
Qeexid: Waa Maxay “Peer-to-Peer”?
Erayga “Peer” wuxuu u taagan yahay qof, koox, ama qolo gaar ah oo hal meel ka wada socta.
“Peer-to-Peer” oo loo soo gaabiyo “P2P“, waa qof ka qof, ama dhinac ka dhinac, waana in ay labo qolo xog, adeeg, ama wax uun is-dhaafsadaan, iyagoon u baahanin cid saddexaad oo kale, oo dhex-dhexaadisa, si uu is-dhaafsigaas u hirgalo.
Si kale aan u dhigno, waa is-dhaafsi dhex maraya labo xubnood oo kaliya.
TS, marka aad rabto inaad Bitcoin u dirto qof kale, ama qolo kale, waxaad si toos ah ugu diraysaa address-kooda, adigoon u baahanin ama u marin cid kale ama qolo kale oo saddexaad.
Taasi micnaheedu waa, in aad adiga oo diraha ah, iyo loo dirahaba, aad si toos ah lacagta isku waydaarsanaysiin.
Si kooban, waa hanaan is-dhaafsi oo ka kooban labo dhinac oo kaliya, oo aan lahayn dhinac saddexaad.