Mempool:

Qeexid: Waa Maxay “Mempool”?

Ereyga “Mempool” waa erey iskugu jira labo erey, kuwaasoo kala ah “Memory” oo u taagan xasuus, ama kayd ama qaad (meel ama kayd wax lagu kaydiyo), halka “Pool” uu u taagan yahay barkad,  hasa yeeshee micno ahaan loola jeedo, meel ama keyd ku meel gaar ah oo lagu sii hayo wax is-dhaafsiyada aan la xaqiijin.

Mempool: Waa barkad ama kayd si ku-meel-gaar ah loogu kaydiyo lacag-dirisyada, ama is-daahsiyada aan wali la xaqiijin, waana sidii qolka sugitaanka oo kale, halkaas oo ay sugayaan in la xaqiijiyo.

Marka uu qofku rabo inuu lacag diro, ee uu taabto badhanka “Send” ee ah diris, ee uu diro lacagta, waxay lacagtaas si toos ah u galaysaa Mempool-ka, oo ah qolka sugitaanka, waxaana markaa doorkoodu imanayaa qolodii la odhan jiray Miners, halkaas oo ay ku kala xulanayaan Transaction-ka ama lacag-dirista ugu khidmada badan.

TS, Cabdi baa wuxuu diray 0.01 BTC, wuxuuna khidmad ahaan bixiyay 0.00001 BTC, lacag dirista Cabdi waa la hubinayaa, kadibna waxay si toos ah u galaysaa Mempool-ka.

Intaa ka dib Miners-yada ayaa soo galaya Mempool-ka waxayna ka xulanayaan lacag dirisyada leh khidmado badan, sida lacag dirista Cabdi oo kale, iyagoo lacag-dirisyada uu khidmadoodu hoosayso iska indha tiraya, kadib waxay ku darsanayaan Block-gooda cusub ee ay ka shaqayn doonaan, hadii ay ku guulaystaan waxay helayaan abaalgudka Block-ga iyo dhammaan khidmadihii lacag dirisyadii ay soo xusheen.

Sidoo kale waxyaabaha ay Miners-yadu lacag-dirisyada ku xushaan waxaa ka mid ah “Size” ama qaad ama mug yarida, hadii ay lacag-diristaadu khidmad badan tahay, sidoo kalena ay qaad ama Size yar tahay, lacag-diristaadu waxay noqon doontaa mid hore loo xaqiijin doono.

Habkan ama geedi-socodkan waa mid si otomaatig ah ama si iskii ah u dhaca, badankana uma baahna faragalin bini’aadameed.

Haddaba lacag dirisyada aadka u khidmada hooseeya muxuu xalkooda noqonayaa?

Si fudud waa la iska indha tirayaa, ileen cidna ma doonanayso shaqo aad u mushahar yar, waxaana laga yaabaa inay qaadato saacado, maalmo, amaba ka badan, amaba waxaa suuragal ah in muddo kadib Mempool-ka laga saaro.

Hadii aad adeegsanayso Wallets-yada taageera wax la yidhaahdo “RBF” oo laga soo gaabiyay “Replace By Fee” oo ah in khidmada wax laga bedelo, oo aad markii hore sii furatay ama sii Enable garaysatay, waxaad lacag-diristaadii ku samayn kartaa dib-u-habayn, adigoo khidmadii wax ka bedelaya.

Hadiise aadan adeegsan Wallets-yada taageera RBF, amaba aadan markii hore sii furan, oo lacag diristaada maalmo la iska indho-tiro, kadibna Mempool-ka laga saaro, dib ayay kugu soo noqonaysaa lacagtaas, ileen waxay markii horeba ahayd lacag aan la xaqiijin, dib ayaad hadan mar labaad u diri kartaaa, adigoo markan kordhinaya khidmadda.

Sidoo kale, waxaa jira xal kale oo la yidhaa “CPFP” oo laga soo gaabiyay “Child Pays For Parent“, oo ah farsamo kuu ogolaanaysa in lacag diristaadii hore ee khidmada yareed, lacag diris kale laga daba geeyo, taasoo xanbaaraysa tii hore iyo tan danbe.

Sideeeeee?

Si fudud, lacag khidmadeedu yar tahay baad dirtay, muddayna ku jirtay Mempool-ka, hadii ay suuragal tahay oo aad la xidhiidhi karto loo diraha, amaba uu loo diraha laftigiisu uu degdegsan yahay, uu si dhakhsiyo ah ugu baahan yahay lacagta wuxuu samayn karaa in uu abuuro lacag diris cusub, oo ah taadii aad soo dirtay, xittaa hadii aan la xaqiijin, isagoo lacag diris cusub ka dhex samaynaya taadii, khidmad dheeri ahna ama khidmad macquul ahna bixinaya.

Markaa iyada ah Miners-ku waxay arkayaan labo lacag diris oo isa-sidkan oo khidmad sare leh, si ay mid u aqbalaan waa inay ugu horreayn tan hore aqbalaan, maxaa yeelay labada lacag diris way isku xidhiidhsan yihiin, hadii mid la aqbalayo, waxaa lagu khasban yahay in tan kalena la-la aqbalo, ileen lacag dirista danbe, waa mid ka dhalatay tan hore, iyadoo labada lacag-diris la isku qaadayo.

CPFP waa xeelad lagu kaabayo lacag diris ay khidmadeedu aad u hoosayso, hasa yeeshee cidda samayn karta ay kaliya tahay loo diraha, tusaale:

Transaction (Lacag dirista) B:

  • Input: 0.02 BTC
  • Output: 0.015 BTC (Cabdi)
  • Fee: 0.001 BTC
  • Status: Unconfirmed (Wali lama xaqiijin)

 

Transaction (Lacag dirista) T, waana qofka samayn kara CPFP:

  • Input: 0.015 BTC (Transaction B)
  • Output: 0.014 BTC
  • Fee: 0.001 BTC

 

Guud ahaan labada lacag diris khidmadoodu ama Fee-googu waa 0.002 BTC, taasoo ah celcelis khidmad fiican, iyadoo hal lacag-diris oo kaliya laga soo qaaday, ileen lacag diris kasta isku khidmad ma ahan, taasoo kordhinaysa fursadda ay Miners-ku ku xushanayaan lacag-diristan.

Dabcan tirooyinkan iyo khidmadahan waa tusaale uun, ee ma ahan khidmado dhexdhedaad ah, waa khidmado aad iyo aad u sarraysa.

Sida magacaba uu ina tusinayo Child Pays For Parent, waa in uu ilmuhu bixiyo kharashka aabaha, ileen lacag dirista danbe waxay ka dhalatay lacag dirista hore, ee ah tan aabaha, waxaana khasab ama lama huraan ah in lacag dirista danbe ay si toos ah ugu xidhan tahay lacag dirista hore.

Waana in lacag dirista danbe ee ah tan ilmaha, ay si toos ah ugu xidhan tahay “Input-ka” lacag dirista hore ee ah tan aabaha, ama tii ay ka dhalatay, waana in ay ku xidhan tahay, ee ma ahan in ay la xidhiidhsan tahay, farqi baana u dhaxeeya.

Hadiise ay isku xidhnaan waayaan labada lacag diris, Miners-yadu lacag dirista danbe ee ah tan ilmaha waxay u aqoonsan doonaan lacag diris madax bannaan, oo si kaligeed u taagan, waa hadiise ay markii hore Wallat-kiisu ugu sii jirtay lacag kale, hadii aysan ku jirinna, lacag diristaas looma gudbinayo Mempool-ka, sababtoo ah wax la diraba ma jiraan.

Saw hab layaab leh ma ahah?… Laakiin aynu mid baraarujino, CPFP waxaa kaliya samayn kara loo-diraha, ee ma ahan diraha.

Hababkan ama xeeladahan dhammaantood waa kuwo xaalado gaar ah u furan, in katoo ay u badan tahay in aysan ku qabsan doonin xaalad noocan oo kale ah, maadaama ay hadda Wallets-yada iyo Exchanges-yada la adeegsado intooda badani ay marka horaba sii jaan-gooynayaan khidmada, taasoo keensanaysa in aysan lacag diristaadu in badan ku raagin Mempool-ka ama qolka sugitaanka.

Miners-ku hadafkooda ugu weyni waa faa’ido, waxayna Mempool-ka ka dhex ogaadhsadaan lacag-dirisyada uu khidmadoodu sarreeyo, waana lacag dirisyada ugu horreeya ee ka bixi doona Mempool-ka, halka kuwa kala ay wakhti qaadanayaan, waxaana suuragal ah kuwa uu aadka khidmadoodu u hooseeyo in la iska indho tiro gabi ahaanteed, heer lacag-diristaas la diido, oo laga saaro Mempool-ka.

Si kooban, Mempool-ku waa qol ama keyd ku-meel-gaar ah, oo ay si ku-meel-gaar ah ugu sugnaadaan lacag-dirisyada cusub ee aan wali la xaqiijin, si loo xaqiijiyo.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".