Memecoin:

Qeexid: Waa Maxay “Memecoin”?

Erayga “Meme” waa erey giriig ah, oo asalkiisu yahay “mimeme/μίμημα“, oo u taagan ku dayasho, ama soo-min-guurin (something copied). 

Meme” waa erey inta badan muujinaya dhaqan, dhacdo, fikrad, ama waxyaabo qosol leh, oo ay bulsho gaar ah aaminsan tahay, oo si dhakhso leh bulshada dhexdeeda ugu dhex faafa, gaar ahaan bulshada internet-ka adeegsata.

Memecoins-ku: Waa bah ama qabiil ama qolo ka mid ah lacagaha dadan ee “cryptocurrency”, kuwaas oo badanaa ah coin-no ku salaysan dhacdooyin kaftan ah, ama maadaysi cid lagu maadaysanaya ah, oo ay bulsho gaar ah aaminsan tahay, ama ay taageersan tahay.

Memecoins-ka ayaa ku tiirsan buunbuunin, taageero, hadal-hayn, iyo hadba heerka dhacdada ay ku salaysan tahay inta ay le’eg tahay caanimadeeda, si ay qiimo u yeeshaan.

Waxayna inta badan ka dhashaan dhacdooyin kaftan leh, ama layaab leh, waxayna noqon karaan qoraal, sawir, muuqaal, iyo maqalba.

Memecoin-ka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay wax

  • Aan adeegsi lahayn
  • Aan faa’ido lahayn
  • Aan wax-qabad lahayn
  • Aan wax-ku-ool ahayn
  • Aan ballan qaad lahayn
  • Kaliya 100% waa maadaysi, kaftan, madadaalo, iyo bararaq (Just Meme)

 

Dadka qaar ayaa memecoins-ka ugu yeedha “SHITCOIN” oo micnaheedu yahay “X**R COIN“.

Hase yeeshee, halkan farqi yar baa u dhaxeeya Memecoin-ka iyo Shitcoin-ka, kaasoo ah:

  • Memecoin-ku: Waa coin ka dhashay dhacdo kaftan ah, oo ay bulsho gaar ahi taageersan tahay, oo ay aaminsan tahay, oo mararka qaar muddo badan, oo sanado ah sii jira.
  • Shitcoin-ku: Waa coin aan ujeed dhab ah lahayn, badanaana si faa’ido degdeg ah looga sameeyo darteed u dhasha, muddo badanna aan sii jirin.

 

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".