KYC:

Qeexid: Waa Maxay “KYC”?

KYC” oo laga soo gaabiyo “Know Your Customer“, oo micnaheedu yahay “Aqoonso Macmiilkaaga“, ayaa loola jeedaa in la aqoonsado oo la xaqiijiyo macmiilka u baahan adeeg maaliyadeed, ka hor inta aan la siinin.

KYC-ga waxaa badanaa adeegsada cid kastoo bixisa adeeg maaliyadeed, si ay u hubiyaan in uusan macmiilku ku lug yeelan falal sharci-darro ah, sida lacag dhaqista, maalgalinta argagaxisada, is-dabamarinta, iwm.

Hadii ay dhacdana in uu macmiilku ku lug yeesho falal sharci-darro ah, ay fududaanayso in la helo, ama ugu yaraan la aqoonsado, maadaama laga hayo xogo shakhsiyeed.

TS, marka aad rabto adeeg maaliyadeed, sida furashada koonto, iib, isku-bedel, iwm, waxay shirkadaha maaliyadeed, ee adeeg-bixiyayaasha ah, kaa dalbanayaan aqoonsi, ka hor inta aysan ku siinin adeega, sida ID ama baasaboorka, cinwaanka aad dagan tahay, sawirkaaga, iwm.

Si ay hadhow u fududaato in si fudud laguu helo, ama ugu yaraan lagu aqoonsado, hadii aad falal sharci-darro ah ku lug yeelato, ileen waa kuwan hayya xogtaada shakhsiyeed sida magacaaga, sawirkaaga, cinwaanka gurigaaga, iwm.

KYC-ga waa tallaabo looga gol ama dan leeyahay in looga hortago is-dabamarin kasta oo sharci darro ah, iyadoo ugu horreyn la aqoonsanayo macmiilka, ka hor inta aan adeega loo fidin.

Si kooban, KYC waa in la aqoonsado oo la xaqiijiyo macmiilka doonaya adeeg maaliyadeed, ka hor inta aan la siin adeega.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".