✓ HODL = Hold = Haysasho/Xijisasho
Waa “In La Sii Haysto Hantida, ama Coin-ka, Oo Aan La Iibin”
Qeexid: Waa Maxay “HODL”?
“HODL” waa eray qaab qoraalkiisu khaldan yahay, isagoo u taagan “Hold” kaliya waxaa la is waydaariyay “D” iyo “L“, iyadoo D-da la soo hormariyay.
Eraygan “HODL” wuxuu asal ahaan ka yimid forum-ka “BitcoinTalk” sanadkii 2013-kii, markii uu isticmaale ku magacaaban “GameKyuubi” uu soo qoray “I AM HODLING“, isagoo ula jeeday “I AM HOLDING“, oo ah “Waan Haystaa” si uu u muujiyo in uusan iibinaynin Bitcoin-kiisa, xitaa hadii uu suuqu hoos u dhacayo.
“HODL” waa hal-ku-dhig caan ka ah dunida lacagaha dadan ee Cryptocurrency-ga, kaasoo qaab qoraalkiisu khaldan yahay, se micno ahaan loola jeedo “HAYN“. In la sii haysto oo la sii xijjisto Coin-ka.
Ereyga “HODL” ayaa goor danbe loo yeelay micno kale oo cusub, kaasoo ah “Hold On for Dear Life“, oo la mid ah macnihii hore, waana erey laga dhadhansanayo in aan la baqin oo aan la naxin, kaliya in la sii haysto oo lagu sii dhaganaado hantida.
Si kooban, HODL waa erey muujinaya sii haysasho.