✓ Genesis = Bilawgii/Ugu Horreeyay
✓ Block = Sanduuq/Khaanad
Waa “Block-ga Bar Bilawga Ah”
Qeexid: Waa Maxay “Genesis Block”?
Erayga “Genesis” waa eray markiisa hore ka yimid giriiga, kaasoo u taagan “Bilaabid” ama “Curin“, halka “Block” uu u taagan yahay “Sanduuq” ama “Khaanad” xog sidda.
“Genesis Block” oo sidoo kale loo yaqaan “Block 0“, waa Block-ga bar bilawga ah, ama Block-ga ugu horreya ee la curiyo, kaasoo aan lahayn Block kale oo ka horreeya isaga.
Si kale hadii aynu u dhigno, waa xog sidaha ugu horreeya, maadaama “Block” uu yahay sanduuq, khaanad ama Box xog sidda, kaasoo sida xogta wax kala iibsiga, wakhtiga ay dhacday, iyo tix-raaca block-gii ka horreeyay (inkastoo aysan markan jirin Block ka horreeya Genesis Block-ga), sidoo kalena “Genesis” uu yahay bar bilawga wax waliba.
Blockchain kasta waxay leedahay Block bar bilaw ah, Block-gaas ayaa loo yaqaan “Genesis Block” soomaalina ku noqonaysa “Block-ga Bar Bilawga Ah“.
Si kooban, Waa salka Blockchain kasta, waa bar bilawga Blockchain kasta, waana Block-ga kaliya ee aan lahayn Block isaga ka horreeya, maxaa yeelay isagaa ah Block-ga ugu horreeya.
Waxaa jira weedh kale oo si dhaw ula xidhiidha weedhan, taasoo ah “The Genesis Block“, waa weedhii hore oo laga horraysiiyay ereyga “The“, kaasoo isagu wax si gaar ah u tilmaamaya.
The Genesis Block: Waa weedh loo adeegsado in lagu tilmaamo block-gii ugu horreeyay ee la curiyay ee Bitcoin.Ereyga “The” oo soomaali ku noqonaysa “Kii” ayaa tilmaamaya in Block-gani uu yahay block gaar ah, oo la-isla yaqaan oo caan ah, kaasoo ah block-gii ugu horreeyay ee la curiyay ee Bitcoin.