DAO = Decentralized Autonomous Organization
✓ Decentralized = Saldhig La’aan/Dhex La’aan
✓ Autonomous = Is-maamul
✓ Organization = Urur
Waa “Ururka Madaxa-bannaan Ee Aan Maamulka Dhexe Lahayn”
Qeexid: Waa Maxay “DAO”?
“DAO” oo laga soo gaabiyay “Decentralized Autonomous Organization” waa urur madax-banaan, isla mar ahaantaana aan saldhig ama maamul dhexe lahayn.
Waa urur aan lahayn maamule, hogaamiye, iyo agaasime toonna.
Taa bedelkeeda waa urur ay awoodiisa maamul u qaybsan tahay dhammaan xubnaha ka tirsan ururka.
Taas micnaheedu waa in qof kasta oo ururka ka mid ah, uu bari ka maalin la imaan karo fikrad, ama xeer cusub, sidaa si la mid ahna uu ka qayb qaadan karo go’aan-dajinta.
Si aynu u fahamno waxa uu yahay DAO, waa inaynu wax yar ka xusnaa sida ay u shaqeeyaan ururada caadiga ah, iyo sida ay go’aamada u gaadhaan.
Markii la rabo in xeer cusub la soo saaro, ama wax laga go’aan gaaro, xubnaha sar-sare ayaa daraaseeya xeerkaa ama go’aankaa, hadii ay faa’ido u leeyihiin iyo hadii kaleba, oo ay ka mid yihiin maamulka dhexe, maamulka guud, iyo madaxa maamulka hawlgalka, iyagoona ugu danbayntii wax go’aamiya.
Intaa kadib, fulintii baa lagu dhaqaaqaa, waana sidii jaran jar oo kale, ama ahraamta oo kale, waa la kala sarreeyaa, waxaana ugu hooseeya shaqaalaha caadiga ah, waxaa ka sarreeya maamulkiisa, maamulkaana maamulkiisa, kaasina kii ka sarreeyay ilaa laga gaarayo maamulaha ugu sareeya ururka.
Sidaa si ka duwan, DAO ma lahan maamul dhexe ama maamul sare toonna.
Hadii la rabo in xeer cusub la soo saaro, ama la rabo in wax laga go’aan gaaro, dhammaan xubnaha ururka ka tirsan ayaa ka qayb qaadanaya go’aankaas, iyagoo codeenaya.
Hasa yeeshee, sida kaliya ee loo kala sarraysiisnaan dooono, ama loo kala heli doono awoodda codbixinta ayaa ah, hadba tirada la kala haysto.
Qofba qofkuu ka tiro badan yahay, ayuu ka cod weyn yahay, ama uu ka awood codbixin weyn yahay (Vote Power).
TS, qofka haysta 500 oo xabbo, wuu ka cod wayn yahay qofka haysta 100 xabbo, sidaa si la mid ah qofka haysta 10%, wuu ka cod weyn yahay qofka haysta 3%.
Maxaa yeelay, qofka tirada badan haysta, ama xaddiga badan haysta, wuu ka saamayn badan yahay qofka tirada yar haysta, hadii uu khasaare ka dhasho go’aanka la qaadanayo.
Sidaa darteed, maadaama uu yahay qofka ugu saamaynta badan, hadii uu khasaare yimaado, wuxuu u dhaqmi doonaa si taxadar leh, oo mas’uuliyad leh, go’aamadiisuna waxay u badnaan doonaan go’aamo saxan, oo quman.
Si kooban, DAO waa hannaan cusub oo lagu maareeyo, laguna maamulo ururada, kaasoo ay awoodiisa maamul baahsan tahay, kuna baahsan tahay dhammaan xubnaha ka tirsan ururka.
Sida magacaba ka muuqata, ma jirto cid si keli ah u maamusha ururkan madaxa-bannaan ee aan maamulka dhexe lahayn, taa bedelkeed, si xeer loo hirgaliyo, ama wax uun loo fuliyo waxaa la raacaa hashiisyo ku diyaarsan Smart Contract (Hishiis Si Iskii Ah U Fula).