Centralized:

Qeexid: Waa Maxay “Centralized”?

Erayga “Centralized“, wuxuu markiisa hore ka yimid “Center“, oo ah “Dhex” ama “Bartan“, oo micnaheedu yahay wax leh xaruun dhexe ama saldhig.

Centralized: Waa hanaan (system) kor ilaa hoos, bilaw ilaa dhamaad hal xaruun laga maamulo, lagana taliyo, hawsha inta ugu badanina ka socoto, xaruumaha inteeda kalena ay hoos yimaadaan.

Xaruuntaas ayaa loo yaqaanaa “Xaruunta Dhexe“, waa meesha ay ka soo baxaan go’aamada kama danbaysta ah, sidoo kalena waa meesha ugu badnaan wax walba laga hago.

Waxaynu odhan karnaa, Centralized waa ugu badnaan wax walba oo leh xaruun dhexe, oo laga qorsheeyo, laga maamulo, laga hago, laguna go’aan qaato.

Cryptocurrency markii aynu joogno, “Centralized“, waxay si toos ah uga horimanaysaa aragtida iyo salka ay ku dhisan yihiin lacagaha dadan ee cryptocurrency-ga.

Maxaa yeelay, waa tii aynu hore u soo nidhaahnay lacagahani waa lacago ku tiirsan tignoolajiyadda Blockchain.

Mid ka mid ah tiirarka ugu waa-weyn ee ay tignoolajiyadda Blockchain-tu lafteedu ku tiirsan tahayna waa wax la yidhaahdo “Decentralized“, oo ah hanaan baahsan oo aan xaruun dhexe oo laga maamulo lahayn, oo si iskii ah u madax bannaan, kaasoo ay awoodiisa maamul u qeybsan tahay dhammaan xubnaha ururka ka tirsan.

Decentralized-kuna“, waa ka soo horjeedka “Centralized“.

Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah: “Sideen labadan xaaladood isu waafajinaa?“.

Waxaa jirta lacago dadan oo cryptocurrencies ah, oo hadana Centralized ah, sida USDT oo kale, oo ah Stablecoin (Coin uu qiimihiisu xassiloon yahay), waxaana si buuxda u xakamaysa, una maamusha shirkadda Tether, iyadoo awooda in ciddii ay doonto ka xannibto, ama kala laabato USDT-deeda, maadaama ay iyadu xakamayso.

Sidaa si la mid ah, waxaa jira Exchanges-yo (oo ah goob suuragalinaysa in hantidii la iibsado, la iska iibiyo, la kaydsado, iyo in hantidii hanti kale lagu bedesho), oo Centralized ah, oo si gaar ah loo maamulo, sida Binance, Coinbase, iwm.

Sidaa darteed, waxaa jira dhinacyo ka mid ah Cryptocurrency-ga, hadana se ah Centralized, oo si buuxda, ama ku dhawaad si buuxda loo maamulo, loona xakameeyo.

Taasoo si toos ah ugu horimanaysaa aragtida Cryptocurrency-ga.

Si fudud, hadii aad maqasho waxani cid gaar ah baa maamusha, xaruuntaasaana laga maamulaa, ogsoonoow waa wax Centralized ah.

Centralized-kuna waa hab keensanaya in ay cid gaar ah gacanta ku hayso qorshaynta, go’aan-dajinta, go’aan-qaadashada, dhaqan-galinta, iyo si guud maamulidda.

Si kooban, Centralized: Waa hanaan-maamul, oo leh meel dhexe oo laga hago, lagana maamulo.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".