Blockchain:

Qeexid: Waa Maxay “Blockchain”?

Waa hanaan cusub oo lagu diiwaan galiyo xogta, oo daah-furan, oo daafaha dunida ku baahsan, oo aan lahayn wax saldhig ah.

Si kale hadii aynu u dhigno, Blockchain waa diiwaan baahsan, oo daah-furan, oo ay cid kaste arki karto, markhaatina ka noqon karto xogta ku jirta, kaasoo leh nuqulo (Copyنسخة) badan, cid kastana ay awoodo inay hesho nuqul iyada u gaar ah, oo ka mid ah diiwaankaas.

Si aynu u fahanno, ugu horrayn aynu xusno sida ay ururada caadiga ah u diiwaan galiyaan xogtooda gaarka ah.

TS, hadii aad adeegsato adeegyada maaliyadeed ee ka shaqeeya dalkii, sida e-Dahab, Zaad, EVC, iwm, xogtaada shakhsiyeed, waa kuwo iyaga uun ku gaar ah, mana ahan xog daah-furan, oo ay cid kaste arki karto, sida hadhaagaaga, dhaq-dhaqaaqaaga, lacag diristaadii ugu danbaysay, iwm.

Sidoo kale, xogtaada shakhsiyeed waa mid saldhig leh, ama xaruuun dhexe leh, oo laga maamulo.

Sidaa si ka duwan, Blockchain xog kasta oo ku diiwaan gashan, waa xog furan, oo ay cid waliba arki karto, hasa yeeshee inta xasaasiga ah ay dadan tahay, waxaana la arki karaa hadhaaga qofka, dhaq-dhaqaaqyadiisii bilaw ilaa dhamaad, sida cidda uu wax u diray, iyo cidda u soo dirtayba.

Waxa kaliya ee aan la ogaan karin, ama aan la aqoonsan karin, waa loo diraha, iyo diraha, cidda sida dhabta ah ay yihiin, waana halka ay ka magac baxday Cryptocurrency, lacago dadan (Crypto = Dadnaan).

Blockchain waa buug-yare baahsan, oo diiwaangeliya dhammaan wax is-dhaafsiyada dhacaya, oo aan lahayn xaruun maamul dhexe.

Mar hadii xog la diiwaan galiyo, iyadoo la adeegsanayo “BLOCKCHAIN” way adag tahay in dib loo faragaliyo xogtii, waxnana laga bedelo.

Maxaa yeelay diiwaanka xogtu waa mid baahsan, oo nuqulo badan leh, hadii la damcana in wax laga bedelo, waxaa lagu khasbanaanayaa in nuqul kasta oo ka mid ah diiwaanka la bedelo, taasoo u muuqata mid aan sinnaba ku suuroobayn, gaar ahaan hadii ay shabakadu tahay shabakad aad u weyn oo baahsan, sida shabakadda Bitcoin.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".