Block 1:

Qeexid: Waa Maxay “Block 1”?

Block 1: Waa Block-ga labaad, ama Block-ga ugu horreeya ee la curiyo, kadib “Genesis Block-ga“, ama “Block 0“, kaasoo leh tix-raaca Block-gii ka horreeyay isaga, oo ah Block 0.

Blockchain kasta waxay leedahay Block bar bilaw ah, Block-gaas Block-ga xiga ayaa loo yaqaan “Block 1” soomaalina ku noqonaysa “Block-ga Koowaad“, hasa yeeshee dhisme ahaan ah Block-ga labaad.

Block 1, waa Block-ga koowaad markii loo eego dhanka tirsiga, hasa yeeshee ah Block-ga labaad markii loo eego dhanka dhismaha, maxaa yeelay waxaa ka hooseeya dhismo kale, oo ah Block 0.

TS, markii aad rabto inaad dhisme dabaq, fooq, ama sar ah tilmaamto, gaar ahaan dabaqa koowaad, waxaad si dhab ah u tilmaamaysaa dhismaha labaad, maxaa yeelay dabaqa koowaad waa dhismaha labaad markii loo eego dhisme ahaan, waxaana ka hooseeya dhismo kale, oo ah dhismaha hoose.

Si kale hadii aynu u dhigno:

  • Block 0 = Dhismaha 1
  • Block 1 = Dhismaha 2
  • Block 2 = Dhismaha 3
  • Block 3 = Dhismaha 4

 

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".