✓ Block = Sanduuq/Khaanad
✓ 0 = Eber
Waa “Block-ga Bar Bilawga Ah”
Qeexid: Waa Maxay “Block 0”?
Block 0: oo sidoo kalena loo yaqaan “Genesis Block“, waa Block-ga bar bilawga ah, ama Block-ga ugu horreya ee la curiyo, kaasoo aan lahayn Block kale oo ka horreeya isaga.
Si kale hadii aynu u dhigno, waa xog sidaha ugu horreeya, maadaama “Block” uu yahay sanduuq, khaanad ama Box xog sidda, kaasoo sida xogta wax kala iibsiga, wakhtiga ay dhacday, iyo tix-raaca block-gii ka horreeyay (inkastoo aysan markan jirin Block ka horreeya Block 0).
Blockchain kasta waxay leedahay Block bar bilaw ah, Block-gaas ayaa loo yaqaan “Block 0” ama “Genesis Block” soomaalina ku noqonaysa “Block-ga Bar Bilawga Ah“.
Si kooban, Block 0 waa salka Blockchain kasta, waa bar bilawga Blockchain kasta, waana Block-ga kaliya ee aan lahayn Block isaga ka horreeya, maxaa yeelay isagaa ah Block-ga ugu horreeya.