Bitcoin = Bit + Coin
✓ Bit = Uguna Ugu Yar Xogta Kumbiyuutarka (Binary Digit)
✓ Coin = Shilin
✓ Bitcoin = Shilinka Bit
✓ Dominance = Baaxadda/Saamiga/Qeybta
Waa “In Isla Lacagtii La Labo Jeer Diro”
Qeexid: Waa Maxay “Bitcoin Dominance”?
Ereyga “Dominance” waa erey muujinaya xukun, talis, maamul, gacan-ku-hayn, iwm, oo loola jeedo in shay ama hanti ama wax gaar ah uu gacanta ku hayo awoodda ama maamulka ama taliska guud.
Waana hal-beeg na tusinaya sida loo kala haysto suuqa, yaa baaxad weyn ku fadhiya?, yaa baaxad yar ku fadhiya?, halkee bay lacagta ugu badani ku jirtaa, iwm.
TS, hadii shirkad sidan loo wada leeyahy:
- Qofka B %30
- Qofka T %25
- Qofka J %45
Taasi micnaheedu waa:
- In qofka B Dominance-giisu yahay %30 shirkadda
- In qofka T Dominance-giisu yahay %25 shirkadda
- In qofka J Dominance-giisu yahay %45 shirkadda
Bitcoin Dominance: Waa hal-beeg go’aamiya baaxadda ama saamiga Bitcoin ay ku fadhido inta ay le’eg tahay, markii loo barbardhigo dhammaan lacagaha kale ee dadan ee cryptocurrencies-ka ah.
TS, aynu ka soo qaadno in dhammaan lacagaha dadan (Cryptocurrencies) qiimahooda guud (Market Cap) yahay $100 bilyan, oo ay Bitcoin qeyb ka tahay, haddaba hadii $100-ka bilyan, $60 bilyan oo ka mid ah tahay qiimaha guud (Market Cap) ee Bitcoin.
Markaa iyada ah Dominance-ga Bitcoin waa %60, taasoo ka dhigan in ay Bitcoin ku fadhido %60 baaxadda guud ee lacagaha dadan, halka lacagaha kale ay iyagu wada wadaagayaan %40-ka kale ee soo hadhay.
Bitcoin waa lacagtii ama shilinkii ugu horreeyay, waana lacagta ugu Market Cap-ka weyn lacagaha dadan, waxayna ku fadhidaa baaxad weyn, markii loo eego dhammaan lacagaha kale ee dadan.
Sanado ka hor, Bitcoin waxay ku fadhiday ku dhawaad %100 baaxadda guud ee suuqa lacagaha dadan (Cryptocurrency), jeer ay ka yimaadeen lacago kale, oo loo yaqaan “Altcoins” (waa wixii aan ahayn Bitcoin), oo qeyb ka qaatay baaxadda guud ee suuqa.
Bilawgii 2017-kii Bitcoin waxaa ku dhacay hoos-u-dhicii ugu waynaa abid taariikhdeeda, iyadoo baaxaddeeda guud gaadhay 35%, halka lacagaha kale ay wada wadaagayeen %65-ka kale ee soo hadhay.
Bitcoin Dominance: Waa hal-beeg micno weyn ugu fadhiya maalgashadayaasha iyo ganacsatada, kaas oo ay ku ogaanayaan halka ay lacagta ugu badan ku jirto wakhti xaadirkaas, ma Bitcoin bay ku jirtaa lacagta ugu badan?, mise Altcoins-ka?.
Hadii baaxadda Bitcoin ay ku fadhido soo yaraato, waxay taasi ka dhigan tahay in baaxadda lacagaha kale ee Altcoins-ka ah ay kordheen, ileen hal suuq bay ka wada tirsan tihiin waana suuqa lacagaha dadan (Cryptocurrency).
Halkan farqi yar aynu baraarujino, baaxadda Bitcoin ay ku fadhido lamid ma ahan qiimaha Bitcoin, hadii aynu nidhaahno baaxadda Bitcoin ay ku fadhido hoos bay u dhacday, ama way soo yaraatay, taasi micnaheedu khasab ma ahan in qiimaha Bitcoin uu hoos u dhacay, ama soo yaraaday.
Hadii Bitcoin qiimaheedu hoos u dhaco, sidoo kale qiimaha Altcoins-kana ay hoos u dhacaan, baaxadda Bitcoin ay ku fadhido waxay u badnaan doontaa in ay sideedii sii ahaato, ileen qiimihii ayaa hoos u dhacay, ee sidii suuqa loo kala haystay wax iskama bedelin.
Sida aynu soo sheegnay, Bitcoin Dominance waa hal-beeg ku tusinaya halka ay lacagta ugu badani ku jirto, ee ma ahan hal-beeg muujinaya qiimaha Bitcoin, sidatan ayaana loo xisaabiyaa:
Bitcoin Dominance = waxay la mid tahay Market Cap-ka Bitcoin oo loo qaybiyay dhammaan lacagaha dadan Market Cap-kooda, oo lagu sii dhuftay 100, sida halkan kaaga muuqataba:
Bitcoin Dominance = (Bitcoin Market Cap ÷ Total Crypto Market Cap) × 100
Erayga “Dominance” ma ahan erey kaliya ku kooban lacagaha dadan ama ku kooban Bitcoin, ee waa erey guud oo loo adeegsado in lagu qiimeeyo baaxadda uu ku fadhiyo shay ama wax ama hanti gaar ah.
Tusaale labaad, hadii aynu soo qaadano suuqa telefoonada gacanta ee casriga ah (Smartphones), waxaa maanta ku loolamaya shirkado badan, 2-da shirkadadood ee ugu baaxadda weyn waa Samsung iyo Apple.
Rubac sana deedkasta (Quarters) waxaa la soo saaraa warbixin (Report), oo lagu sheegayo in shikrad hebel iibisay ama rartay intaasoo unug (unit), oo ay ula jeedaan intaasoo teleefon.
Halkaas waxaynu ka ogaan karnaa shirkad waliba baaxadda ay ku fadhido ama Dominance-geedu inta ay le’eg tahay, markii loo eego suuqa guud ee Smartphones-ka ah.
Waxa aynu ka hadlaynaa waa suuqa telefoonada casriga ah oo kaliya, ma ahan suuqa Tablets-yada ama Laptops-yada iwm, kaliya waa hal suuq.
Hadii aad rabtid inaad ogaatid baaxadda ay ku fadhido hanti gaar ah adeegso qaacidadan:
Dominance X = (Market Cap X ÷ Total Market Cap X) × 100
Markii ay Bitcoin ahayd lacagta kaliya ee dadan ee jirta, waxay baaxaddeedu ahayd %100, hasa yeeshee maanta oo ay soo batteen lacagaha loo yaqaan Altcoins-ka, waxaa soo yaraaday baaxadda ay Bitcoin ku fadhido.
Hasa ahaatee, taasi kama dhigna in ay Bitcoin tahay lacag liidadta oo aan qiimo lahayn, ee kaliya waa hal-beeg sheegaya halka ay lacagta ugu badani ku jirto.
Waxaana jira wax la yidhaahdo “Xilliyada Altcoins-ka” (Altcoin Season), halkaas oo ay Altcoins-ku baaxad badan ama saami badan ka helaan suuqa guud ee lacagaha dadan, taasoo hoos u dhigaysa baaxadda Bitcoin.
Si kooban, Bitcoin Dominance waa baaxadda suuqa lacagaha dadan inta ay kaga fadhido Bitcoin.