✓ Address = Cinwaan
Waa “Cinwaan Wax Lagu Soo Diri Karo, Waxnana Laga Diri Karo, Waxnana Lagu Kaydsan Karo”
Qeexid: Waa Maxay “Address”?
Waa tirooyin iyo shibanayaal isku jira, oo qeexaya ama tilmaamaya goob dhijitaal ah, oo wax lagu diri karo, waxnana laga diri karo, waxnana lagu kaydsan karo.
Si kale hadaynu u dhigno, Address-ku waa cinwaan dhijitaal ah, oo ka kooban tirooyin iyo shibanayaal, kaas oo loo adeegsado in wax lagu diro, waxnana laga diro, si la mid ah cinwaanka Email-ka.
TS, marka aad rabto in lacag laguu soo diro, ugu horreayn waxaa lagaaga baahan yahay in aad sheegto halkii lagugu soo hagaajin lahaa lacagta.
Sidaa si la mid ah, marka aad adigu rabto inaad cid kale lacag u dirto, waxaad ciddaas ka codsanaysaa halkii aad ugu soo hagaajin lahayd lacagta, halkaas ayaana loo yaqaanaa “Address“.
Crypto markii la joogo, FEEJIGNAANTU waa lama huraan.
Hadii cinwaanka wax loo dirayo wax ka mid ah la khaldo, xittaa hadii uu khaladku yahay in isla halkii shibane la yareeyo, sida “N” → “n“, waxa la dirayo si fudud bay ku lumayaan, waxayna noqonayaan wax aan sinnaba loo soo celin karin.
Wallets-yada ama Exchanges-yada qaar ayaa adeegsada wax la yidhaado “Checksum” oo ah in address-ka loo-diraha la hubiyo, ka hor inta aan loo dirin, si looga hortago in meel aan jirin lacagtii loo diro.
Halkan wax yar aan kala saarno, “Checksum” waxay hubisaa in loo-diraha uu yahay mid jira, ee ma hubiso in loo-dirahani uu yahay loo-dirihii saxda ahaa, ee la-la rabay lacagta.
Si kale hadaynu u dhigno, waxay hubisaa in address-kani uu yahay mid jira, hasa yeeshee ma hubiso in uu yahay kii saxda ahaa ee la-la rabay lacagta, maxaa yeelay mararka qaar waxaa suuragal ah in meel aanba jirin wax loo diro.
Waxaana lama huraan ah in si taxadar iyo feejignaan leh la iskaga eego halka wax loo dirayo, oo ah cinwaanka ama address-ka loo-diraha, sidoo kalena in la iska eego Network-ka loo sii dhex marinayo.
Network-kuna waa shabakadda aad u sii dhex marsiinayso lacagta.
Mararka qaar iyadoo isla address-ku kii yahay, ayaa hadana waxaa dhici karta in network-ka lacagta la sii dhex marinayo kala duwanaado, taasoo sababi karta in wixii la dirayay la lunsado, oo la waayo.
Waxaana lagu taliyaa ka hor inta aan wax la dirin, in la iska hubiyo 4-ta ilaa 7-da shibane ee u horraysa Address-ka, iyo 4-ta shibane ee u danbeeysa, sida (1A1zP1eP5QGefi2DMPTfTL5SLmv7DivfNa), iyo Network-ka loo sii dhex marinayo.
Sidoo kalena waxaa lagu taliyaa, in aan Address-ka qoraal ahaan loo qorin, ee la soo min guuriyo (Copy), ama la Scan-gareeyo.
Si kooban, Address-ku waa cinwaan aad wax ku diri karto, sidoo kalena lagugu soo diri karo.