Xog & Xeer

 

Hordhac la’aan…

1:

S: Yaad tihiin?

J: Adoomo ilaahay

2:

S: Maxay tahay mareegtan?

J: Miyaad indha la’dahay?

3:

S: Waaxay jawaabahan qallafsan?

J: Adiguba waaxay su’aalaha aan habboonayn?

4:

S: Nacam faahfaahin naga sii waxay mareegtan tahay?

J: Sida ka muuqata waa mareeg ama hage laga barto erey-bixinada crypto-da

5:

S: Ma xuma, xogta hagahan ku jirta idilkeed ma lacag la’aanbaa?

J: Ma dhammaan xogta hagahan ku jirta?

6:

S: Haa, dhammaantood ma lacag la’aanbaa?

J: Runtii…

7:

S: Hee, tanna ma su’aal aan habboonaynbaa?

J: Maya, xogta mareegtan ku jirta idilkeed waa…

8:

S: Heeeeee

J: Lacag la’aan

9:

S: Ooooh, ma gabi ahaanteed?

J: Haa siday u dhantahayba

10:

S: Miyaad naga hubtiin halkaa?

J: Haa, ha ku noqon

11:

S: Hadda ma %100?

J: Maya %99.9999999

12:

S: Maxaad ula jeedaan %99.9…?

J: Waynu iska kaftamaynaa, %100 waa lacag la’aan, waana mid il furan (Open Source)

13:

S: Noo dhaarta, idin kama yeelinee?

J: Diidnay, waaxay noo dhaarta

14:

S: Haddaba sideen idiin aaminnaa?

J: Waa dhibkiina taasi

15:

S: Hayyee qira in xogta hagahan ku jirta ay %100 lacag la’aan tahay?

J: Anigoo ah afayeenka mareegtan, anigoo maankayga qaba, anigoo ku sugan xaalad miyir iyo feejignaan leh, waxaan halkan si buuxda uga cadaynayaa in xogta hagahan ku jirta idilkeed ama dhammaanteed ama siday u dhan tahayba tahay lacag la’aan 

16:

S: Oo ma waxay gaaladu odhan jidheen baa “Creative Commons”?

J: Haa, afkaaga dhay dam**r**d lagu qabay, waa waxay odhan jireen Creative Commons, laakiin wax kalena la sii dheer

17:

S: Oo maxaa ka mid ah?

J: Creative Commons waa rukhsad furan, laakiin shuurdo gaar ah wadata, sida inaad xusto halka ama isha aad xogtan lacag la’aanta ah ka soo xigatay, iyo qodobo kale, hase ahaatee inagu xogteena wax shuruudo ah lama socdaan

18:

S: Maxaad ula jeedaan?
J: In si shuruud la’aan, ogolaanshiyo la’aan, xornimo leh, oo madax-bannaan loogu tagri-fali karo xogta hagahan ku jita oo idil?

19:

S: Xittaa anigoonan idin xusin, oo aan dhihin halkaas ayaan ka soo xigtay?

J: Haa

20:

S: Xittaa qaab ganacsi?

J: Eeeen…

21:

S: Dee ka jawaab, mise shuruudo gaar ah ayaad ku xidhaysaan, markii si ganacsi ahaan loogu adeegsanayo

J: Maya, ganacsi ahaan iyo shakhsi ahaanba ma jirto wax shuruudo ah oo lagu xidhayo

22:

S: Xitaa hadii AI-da lagu tababarayo?

J: Haaaaaaaaaa, su’aalahaagu badanaa

23:

S: Naga raali ahaada, laakiin waxbaan islahaa hubso
J: Saw aniga hadal oo dhan kuu dhameeyay ma ahan, oo aan ku dhahay si shuruud la’aana ah baad ugu tagri fali kartaa 

24:

S: Markii ugu danbaysay aan isla su’aashii ku waydiiyo, xittaa hadii aan leeyahay madal ama Platform waxbarasho oo sidiina oo kale ah?

J: Haa xittaa hadii aad isla hagahan sidii uu yahay u Copy garaysaan

25:

S: Ma isla sida uu yahayba, anigoon xitaa xaraf ama shaqal bedelin

J: Haa, oo haa, oo haa, saw anagii bilawgii hore idin idhi ma ahan waa hage il furan ama Open Source ah

26:

S: Oo aad ula jeedaan?

J: Oo aynu ula jeedno in haghani uu yahay hage siduu u dhan yahay, bilaw ilaa dhamaad yahay mid furan, oo waliba cid kasta u furan

27:

S: Runtii waa layaab?

J: Maxaa layaab ah?, ma in aynu hagahani lacag la’aan ka dhignay, mise inaynu ka dhignay Open Source, mise waxaa nahay qoladii ugu horraysay ee wax lacag la’aan ah bixisaa?

28:

S: Maya, waxaa layaab ah in si shuruud la’aan ah loo heli karo, sidoo kalena loogu tagri-fali karo

J: Ma intaas oo kaliya?

29:

S: Iyo sidoo kale xogta oo ah xogo aad iyo aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad u qiimo badan

J: Waynu ognahay taasi, waynuna ugu tala galnay, laakiin taasi kama dhigna in ay lacag ahaadaa

30:

S: Sidee?

J: Si wax uu qiimo u yeesho ma khasab baa in uu lacag ahaado?

31:

S: Maya, laakiin…

J: Hee…

32:

S: Waxay ahaataba, wax wanaagsan weeye

J: Waynu ogeen taasi

33:

S: Hadda hagahani dhammaantii ma lacag la’aan baa?
J: Kaalay, miyaanad af soomaaliga aqoon?

34:

S: Mayee waan aqaanaa, se way i mari la’dahay
J: Biyo ku liq

35:

S: Horta, waa su’aalee yaad tihiin?

J: Saa tahay, ma dhir iyo dawo ayaa kuu socota?

36:

S: Hhh mayee hee, inaan idin waydino cidda aad tihiin ma dhib baa jirta?

J: Mayee dhib kuma jirto, se saw anagii ku nidhi ma ahan adoomo ilaahay baanu nahay

37:

S: Waa run, laakiin waxaan ula jeednaa cidda aad tihiin waayo?

J: Ma qabiilkeena?

38:

S: Hhh maya, laakiin hadii aad qabiilkiinana noo sheegi lahaydeena way iska fiicnaa lahayd

J: Waxaa nahay ilma-caga-qallooc

39:

S: Yaad ka sii tihiin

J: ilma-qoor-qallooc

40:

S: Yaad ka sii tihiin
J: ilma-san-qallooc

41:

S: Oo ma waxaad walaalo tihiin ilma-laab-qallooc?, ilma-qallooc baana dhammaantiin idin dhalay?

J: Haa, barteedaad dhigtay

42:

S: Oo hadaa laandheeraa tihiin
J: Dabcan, laanteenu aad bay laamaha kale uga dheer tahay

43:

S: Horta waxaad nooga warantiin qolodii ilma-dhereershe, ee had iyo jeer dhereerinjiray, duufkuna sidii biyaha uga socday?, ileen waa idinkii barigii is qabsadee, ee illaa muddo iska laad-laaday
J: War bal ukaadi…, halkeed noola beedhay?

44:

S: Raali ahaada, waan is illaawee

J: Hagaag, maxaa kuu xiga?

45:

S: Dee ma idinkaaba nooga jawaabay su’aashii, yaad tihiin, oo aan ula jeedo cidda aad tihiin, sida ma qof mise qolo mise hay’ad mise NGO, mise…?

J: Mar saddexaad baynu kuugu celinaynaa, waxaynu nahay adoomo ilaahay

46:

S: Haye waa maxay ujeedkiina?

J: In soomaali kasta oo raba inuu fahmo oo wax ka ogaado Crypto-da uu halkan ka dhigto ishiisa koowaad, halkii uu ka tagi lahaa Search Engines-yada ama Chatbots-yada

47:

S: Sidee?

J: Dee in hagahani uu noqdo hage ay soomaalidu leedahay, oo uu qof kasta oo soomaaliyeed erey-bixin kasta ama ugu badnaan ereybixinada la xidhiidha Crypto-da uu halkani ka heli karo, waliba iyada oo aan xayaysiis loo sii dhexmarin, ama suuqgayn, kaliya madal ama hage wax barasho uun

48:

S: Haye maxaa kale?

J: In qof waliba oo soomaaliyeed si qoto-dheer leh uu u fahmo Crypto-da, in qofka kasta oo soomaaliyeed aysan afkiisa ku noqonin caqbad ka hortaagan barashada Crypto-da, In qof kasta oo soomaalieed uu aqoon ahaan uu la babac ama la barbar dhigmo, ama mararka qaar ka sare maro qofka ajnabiga ah, haday noqon lahayd hab-fikir ahaan, hal-abuunrnimo ahaan, iwm

49:

S: Oooow, hankiinu waa mid aad u sarreeya

J: Dabcan…

50:

S: Laakiin taas bedelkeeda maxaydu dhaafsanaysiin, ileen wax waliba waxay leeyihiin wax la dhaafsado?

J: Ma jirto wax maadi ah ama wax la taaban karo oo aynu bedelkeed dhaafsanayno

51:

S: Haye, kawaran wax aan la taaban karin?

J: Iyada lafteeda ma jirto…, sideen ku yeelay?

52:

S: Ma hubtiin arinkaa, mise wax kale oo qarsoon ayaa jira?

J: Haa, markii laga reebo akhristayaasha qaar oo laga yaabo inay duco hawada noo soo dhex mariyaan, ileen waxaynu uga tagaynaa aqoon dhaxal-gal ah

53:

S: Anigu shaki yar baa igu jira, sida aan filayo wax uun baad dhaafsanaysiin

J: Dabcan, aakhiradeenaa dhaafsanaynaa, oo aynu u shaqaysanaynaa

54:

S: Oo kaliya?, mise…?, kawaran iyada xogta users-kiina ama adeegsadayaashiina? Taasi ma dhaafsanaysaan?

J: Maya, oo halkaynu gaynaynaa?

55:

S: Ha iska dhigininna doqomo, waad ogtihiin xogaha users-ka sida ay u qiimo badan yihiin

J: Haa waynu ognahay, laakiin waxaasi ma jirto

56:

S: Hayyee, xog noocee ah baad user-yadiina ama adeegsayaashiina ka uruurisaan?
J: Maxaan xog uruurinaaba, ma isagaa hagahan u qaabaysanba in uu xog uruuriyo

57:

S: Sidee
J: Ma adigaaba xog ila wadaagayaba, si aan u uruuriyo

58:

S: Waa runtaa, yaadse la wadaagi doontaan
J: Kaalay ma dhiman-dhiman (doqon-doqon) baa tahay?

59:

S: Hee, maxaad igu caayi
J: Si aan cid wax ula wadaago waa inaan ugu horrayn xog uruuriyaa, si aan xog u uruuriyana waa inaan ugu horrayn xog helaa, markaa sideen xog ku heli karaa idinkoonba markii hore nala wadaagin

60:

S: Hhh
J: Ma haddaad qosli

61:

S: Hhhhhhhh
J: Runtu saw xanuun ma ahan?

62:

S: Hhhhhhhhhhhh
J: Hee, maad wadi uun

63:

S: Hhhhhhhhhhhhhhhhhhh, waxaan ku qoslayaa dhaa-dhaanimadayda
J: Hayyee jooji, oo kala reebo qosolka

64:

S: Waan fahmay, wax xoga ah kama ururisaan users-kiina?
J: Haa, markii laga reebo xogo iska fudud

65:

S: Maxaad ula jeedaan iska fudud, saw hadda ma aydaan lahayn wax xog ah ma uruurino, sidoo kalena hagahan uma qalabaysna?
J: Haa, hase ahaatee xogta aan jeedo waa mid uu user-ku isaga isiinayo, ee ma ahan mid aan anigu uruursanayo, sida Email-ka

66:

S: Email-ku ma isagaa ah xog fudud, waa xog xasaasi ah
J: Markii dhan laga eego waa xog fudud, waxaynuna u adeegsanaynaa wargaysda, waana xog uu user-ku si xornimo-leh uu noola wadaagayo, hadii uu rabo in uu ku soo biiro wargayska, hadii kale se helimayno

67:

S: Alle ayaa idin og waxa aad dhaafsanaysaan?
J: Dabcan, alle iyo bulshada inta uu garaadkoodu sarreeyo ayaa na og

68:

S: Hagaag, maxaa idiin ku dhiirigaliyay inaad hagahani hirgalisaan?

J: Baahida bulshadeena soomaaliyeed haysata

69:

S: Runtii sida muuqata waxaad tihiin dad wanaagsan
J: Haa sida muuqata iyo sida aan muuqanba waxaa nahay dad wanaagsan

70:

S: Ma jirtaa ereyo aad madashan ama hagahani ku qeexi kartaan?
J: Dabcan, hagahani waa:

      • af soomaali
      • lacag-la’aan
      • il furan (Open Source)
      • qaamuus
      • hage
      • wax la wada leeyahay

71:

S: Laakiin su’aal kale?
J: Badanaa su’aalahaagu

72:

S: Kharash intee le’eg baa idin ka gashay?
J: Sabab?

73:

S: Waxaan rabaa inaan ogaado?
J: Sabab aad u rabtaa inaad ogaato?

74:

S: Hee, ma dhib baa ku jirta?
J: Maya, laakiin ujeedka aad u rabto inaad ogaato maxay tahay?

75:

S: Si aynu u ogaano
J: Dabeeto…?

76:

S: Si aynu u qiimayno una qaddarino xogta hagahan ku jirta
J: Oo yaa kaaga baahan taasi?

77:

S: Maxaad ula jeedaa?
J: Adiguba maxaad ula jeedaa, si aynu u qiimeeyno una…

78:

S: Dee, hadaynu ogaano kharashka galay, waxaynu si qadarin iyo qiimo leh ula dhaqmaynaa xogta, waynuna ka mahadnaqaynaa
J: Hadii aydaan ogaaninna? Ma qiimaynaysaan? Mana qadarinaysaan?

79:

S: Maya sidaa u lama jeedo?
J: Haye sideed ula jeedaa?

80:

S: Labada goorba waynu qadarinaynaa, waynuna qiimaynaynaa xogta hagahan ku jirta, se hadii aynu ogaano kharashka galay waxaynu ula sii dhaqmi doonaa si ka duwan sidii hore ee aynu ula dhaqmi lahayn, inagoo aad u sii tixgalinayna, mudnaantana siinayna
J: Oooh waa sabab maan gal ah

81:

S: Sidaa darteed nala wadaag kharashka idin ka galay
J: Runtii si qoto-dheer leh umaynaan xisaabin, hasa yeeshee waxyaabaha guud ama waa-weyn xisaabtooda waynu haynaa

82:

S: Maxaa ka mid ah?
J: Waxaynu ku soo wada uruurin karnaa laba dhinac oo kaliya oo kala ah Website-ka, iyo xogta lafteeda

83:

S: Website-ka ku horree
J: Kharashka Website-ka naga galaxy waa $950 oo ahayd lacag-bixin go’an oo mar qudha dhacday, taasoo ah naqshadaynta iyo samaynta Website-ka, iyo $420 oo ah lacag-bixin sanadle ah oo iskugu jirta Domain Name-kii, Hosting-kii, Security-gii iyo waxyaabo kale oo iska yar-yar

84:

S: Haye xogtana, ama Content-ga?
J: Kharashka xogta ama Content-ga naga gashaa way iska yar tahay, waxayna u dhaxaysaa $200 ilaa $350 bishii, mana ahan bil kasta, ee waa inta uu qaamuuskan ama hagahani ka dhamaystirmi doono, waxaynuna shaqaalaysiinay xirfadlayaal iyo mutadawiciinba, oo aqoon xeel dheer u leh Crypto-da, kuwaasoo soo diyaariya xogta oo qaydhiin/caydhiin, ka dib inaga oo ah tafatiriyayaal ayaa hubiya oo ansixiya xogta, kadib waxaa loo gudbiyaa qolada gacanta ku haysa Website-ka, iyagaana soo galiya xogta

85:

S: Wakhtigana? In intee le’eg baa idin ka gashay?
J: Wakhtigu isagu waa ∞ (infinity), waa wax aan dhamaad lahayn, ilaa hadda ayuu wakhti nagaga baxaa, sidoo kalena nagaga bixi doonaa mustaqbalka

86:

S: Wallee waa geedi-socod dheer, waadna ku mahadsan tihiin dadaalkiina, iyo hawl-karnimadiina
J: Waad ku mahadsan tihiin oo kaliya?

87:

S: Hee maxaad kale oo aad naga rabtaan, ma duco mise lacag, mise…?

J: Eeeen,  l*c*g

88:

S: Kuma fahmin?

J: Waxba ma rabno, laakiin hadii aydu idinka nala garataan lacag ama duco maxaynu ku diidi?

89:

S: Oooh markaa taas micnaheedu waa inaad u baahan tihiin lacag

J: Maya sidaas u lama jeedno, yaan nala khalad fahmina

90:

S: Hee hadaaa?

J: Marba hadii aydu idinku wax nala garataan, oo codsigu dhankiina ka yimaado, maxaynu inaga ku diidi

91:

S: Oo waxa aad waddiin waa dawarsi (tuugsi) sharciyaysanee?

J: Hhh, war bal u kaadi, xaajadu sidaas ma ahanee

92:

S: Waa sidee hadaa

J: Ninyahaw su’aalahaagaa battee nagu kala wad

93:

S: Wax yar sug, ma iska xanaaqee

J:

94:

S: Hello…

J:

95:

S: Maad iskaba tagtay?

J:

96:

S: War waayahay nabadee, laakiin aan mid idiin xasuusino waad mahadsantihiin, abaalkiinana aakhraad hili doontiin 

J:

97:

S: Dee hadla

J:

98:

S: Waa yahee halkeen lacagta idinku soo diraa

J: Naga raali ahaada hawada ayaa cuslayd, maxaad na tidhi?

99:

S: Hhh, halkeen lacagta idinku soo dirnaa

J: Ugu horreyn ma rabno lacagtaada, hadiise ay ku dhibayso lacagta oo aanad xijjin karin, oo ay culays kugu hayso, is kaga soo dir, qeybta hoose ee Website-ka ee loo yaqaan Footer-ka qeyb ka mid ah, taasoo ku qoran “Ku Deeq

100:

S: Hhh, ma xuma, laakiin kaliya waxaa lagu soo diri karaa Bitcoin

J: Haa kaliya Bitcoin

101:

S: Hadii aan haynina kawaran

J: Dee markii horeba khasab kugu ma ahayn

102:

S: War waan iska kaftamayaa, anigaaba lacag u baahan, hadii aad haysaan ii soo dira

J:

103:

S: Hadana hawadii miyaa cuslaatay?

J:

104:

S: War nagu kala wada nimanyahaw, laakiin mar labaad mahadsanidiin

J:

105:

S: Su’aal aan idinka illaaway ayaa jirta, waana halkii aynu idin kala soo xidhiidhi lahayn hadii aynu wax idin kaga baahano. Goortii ay hawadu idin wacnaato noo sheega

J:

106:

S:

J:

107:

S:

J: Haday hawadu noo wacnaatay, waana email-kan: “xidhiidh@cryptoyahan.com

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb