✓ Whale = Nibiri
Waa “Xawayaanka Ama Bahalka Loo Yaqaan Nibiriga”
Qeexid: Waa Maxay “Whale”?
Erayga “Whale” soomaali ahaan waa xayawaanka “Nibiriga“.
Whales ama nibiriyayaashu waa qof ama cid haysata xaddi badan oo cryptocurrencies ah.
Eraygan ayaa lagu tilmaamaa ciddii tiro badan ka haysata coin gaar ah
Inkasta oo aysan jirin xaddi gaar ah oo la isku raacsan yahay, oo keensanaysa in cid gaar ah lagu tilmaamo nibiri, hadii ay xaddigaas haysato, hasa yeeshee Bitcoin ahaan, waxaa jirta xaddi ay dadka qaar aaminsan yihiin, kaasoo ah 1,000 xabbo oo Bitcoin, iyo wixii ka badan.
Qofkii ama ciddii “Bitcoin” ka haysata 1,000 xabo iyo wixii ka badanba waxaa loogu yeedhaa “Whale – Nibiri“.
Sababta nibiri loogu magacabo qofka ama cidda haysata xaddi badan oo cryptocurrencies ah, ayaa ah in ay saamayn ku leeyihiin qiimaha suuqa.
Iyagoo si weyn wax iibsigooda, iyo wax iska iibintooduba u saameeyo suuqa, maadaama ay xaddi badan iibsanayaan, ama iska iibinayaan.