✓ Seed = Iniin
✓ Phrase = Weedho
Waa “Ereyada Kabashada”
Qeexid: Waa Maxay “Seed Phrase”?
“Seed Phrase“, oo sidoo kale loo yaqaan “Recovery Phrase“, “Backup Phrase” iyo “Mnemonic Phrase“, waa ereyo lagu galo, laguna soo ceshto Wallet-ka, hadii uu dhumo, ama si uun lagu waayo.
Seed Phrase: Waa ereyo si aan kala sooc lahayn u curta, mar kasta oo uu qof samaysto Wallat cusub, ereyadaas oo badanaa ka kooban 12 erey, ama mararka qaarkood 24 eray.
TS, si mid ka mid ah barahaaga bushada aad u gasho waxaa lagaaga baahan yahay username, email ama number, oo hal meel ka wada socda, iyo password.
Sidaa si la mid ah, si aad u gasho Wallat-kaaga waxaa lagaaga baahan yahay ereyada kabashada ama Seed Phrase-ka, oo iyagu la mid ah username iyo password wada socda oo kale.
Ereyada kabashada ama Seed Phrase-ka ayaa u ekaan kara sidatan:
1. Masjid, 2. Garoon, 3. Dukaan, 4. Guri, 5. Diyaarad, 6. Kabo, 7. Biyo, 8. Daah, 9. Loox, 10. Xadhig, 11. Buug, 12. Miis.
Waa ereyo si ujeedo la’aan ah u curta, hasa yeeshee af ingiriisi ah.
Wallets-yada qaar ayaa adeegsadayaashooda u soo bandhiga doorashooyin furan, oo ah inta erey ee ay rabaan, doorashooyinkaas oo kala ah: 12, 18, 24, 20, ilaa 33 eray.
Si kooban, Seed Phrase-ku waa ereyo kuu suuragalinaya inaad dib u soo ceshato Wallet-kaaga, hadii uu kaa lumo, ama lagaa xado, ama si uun aad ku waydo.