Peer-to-Peer:

Qeexid: Waa Maxay “Peer-to-Peer”?

Erayga “Peer” wuxuu u taagan yahay qof, koox, ama qolo gaar ah oo hal meel ka wada socta.

Peer-to-Peer” oo loo soo gaabiyo “P2P“, waa qof ka qof, ama dhinac ka dhinac, waana in ay labo qolo xog, adeeg, ama wax uun is-dhaafsadaan, iyagoon u baahanin cid saddexaad oo kale, oo dhex-dhexaadisa, si uu is-dhaafsigaas u hirgalo.

Si kale aan u dhigno, waa is-dhaafsi dhex maraya labo xubnood oo kaliya.

TS, marka aad rabto inaad Bitcoin u dirto qof kale, ama qolo kale, waxaad si toos ah ugu diraysaa address-kooda, adigoon u baahanin ama u marin cid kale ama qolo kale oo saddexaad.

Taasi micnaheedu waa, in aad adiga oo diraha ah, iyo loo dirahaba, aad si toos ah lacagta isku waydaarsanaysiin. 

Si kooban, waa hanaan is-dhaafsi oo ka kooban labo dhinac oo kaliya, oo aan lahayn dhinac saddexaad.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".